Allbanaadir.com
NEWS

Wariye iyo Siyaasiyiin kale oo caan ah oo kusoo baxay doorashada Kenya ka socota

Dalka Kenya waxaa wali ka socota tirinta codadka doorashada guud ee dalkaasi gaar ahaan tan madaxweynaha, waxaana natoojiiyin horu dhac ah oo soo baxaya muujinayaan in kuraasta baarlamaanka qaarkood lagu kala guuleestay.

Siyaasiyiin caan ka ah Soomaalida Kenya ayaa qaarkood difaacday kuraasta ay ku fadhiyeen oo ay mar kale u tartameen, halka siyaasiyiin kale oo qaarkood xilal horey usoo qabteen ku guuleesteen kuraasta xildhibaanimo oo ay u tartamayeen.

Aadan Barre Ducaale oo xildhibaan soo ahaa tan iyo 2007-dii, ayaa mar kale difaacday kursigiisa oo deegaan doorashadiisu aheyd magaalada Gaarisa, waxaana siyaasigan oo soo noqday hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya, ka guuleestay musharaxiintii la tartamayay.

Doorashada Kenya waxaa sidoo kale guul ka gaaray  Faarax Macallin oo toban sanno kahor lumiyay kursigii uu ku fadhiyay, siyaasigan oo soo noqday guddoomiye kuxigeenka baarlamaanka Kenya ayaa kusoo baxay kursigiga deegaan doorashadiisu aheyd Dhadhaab.

Waxaa sidoo kale doorashada guul ka gaaray xildhibaan Yuusuf Xasan oo deegaan doorashadiisu tahay degmada Kamakunji ee katirsan tahay xaafadda Soomaalidu degti ee islii, waxaana siyaasigan mar kale difaacday kursiga uu sannadaha ku fadhiyay.

Soomaalida kale ee guusha ka gaaray doorashada Kenya waxaa kamid ah Wariyaha caan ka ah Maxamed Cadow oo kasoo shaqeeyay Warbaahinta BBC-Da iyo Al Jazeera, waxa uuna ku guuleestay kursiga Xildhibaanimo ee Koonfurta Wajeer.

Doorashada socota ayaa waxaa si weyn ugu loolamayay siyaasiyiin kala matalayay xisbiyo dhoor ah ay ugu weyn yihiin xisbiyada UDA uu Hoggaamiyo Madaxweyne kuxigeenka Kenhya Ruto iyo xisbiga AZIMO uu hoggaamiyo Ra’ila Odinga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mo Farah oo guuldaro lama filaan ah ka keenay orodka Maratonka London (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne William Ruto oo xal u raadinaya colaada ka aloosan dalka Sudan

Cabdi Cade

(Akhriso) Muxuu sharciga cusub ee doorashooyinka ka qabaa xili kordhinta Madaxweynaha?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---