Rag hubeesan oon wali heebtooda booliiska garan ayaa weerar ku qaaday qabuuro muslimiinta leeyihiin oo kuyaalla magaalada Toronto ee caasimadda dalka Canada, halkaas oo lagu aasayay wiil Soomaali ah oo isma tobobaadkan la dilay.
Booliiska ayaa sheegay in rag hubeesan oo gaari watay rasaas ku fureen qabuuraha aaska ka socday ay ku sugnaayeen dad gaaraya ilaa 60-qof, waxaana rasaastaasi waxyeelo kasoo gaartay dad aaska ka qeyb galayay.
Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku geeriyooday weerarkaasi lagu qaadayay Soomaalida aaska ku sugneed, waxaa sidoo kale weerarka ku dhaawacmay hal qof oo xaaladiisa lala tacaalayo, waxaana baxsaday ragii weerarka ka dambeeyay.
Booliiska magaalada Toronto ayaa sheegay in ay wadaan howlgalo ay ku baadi goobayaan raga hubeesan oo baxsad ku jira, lamana oga ilaa hada cidda weerarkaan ka dambeesay iyo sababta salka ku heyso.
Soomaalida kunool dalka Canada ayaa aad uga walaacsan weerarkan iyo weeraro kale oo horey uga dhacay magaalooyin dalkaasi kuyaalla, waxaana dilalka dalkaasi ka dhaca qaarkood isku geesta dhallinyaro Soomaaliyeed.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com