Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Deni oo warbixin xasaasi ah laga siiyey arrimaha Doorashooyinka Puntland

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa aqalka Madaxtooyada kulan kula qaatay Bulshada rayidka ah, Guddiga Doorashooyinka Puntland,  Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Tamarta, Macdanta iyo Biyaha.

Ujeedka kulanka ayaa daaranaa dardargelinta hanaanka Doorashooyinka Puntland ee hal qof iyo hal cod iyo sidii loo dhamaystiri lahaa Golaha degaanka inta ka hartay.

Guddoomiyaha Guddiga KGM  Doorashooyinka Dowladda Puntland,  Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa Madaxweynaha & Bulshada rayidka ah la wadaagay warbixin guud oo ku saabsan  halka ay marayso shaqadda Guddiga Doorashooyinka waxaana uu madasha kusoo bandhigay warbixin dhameystiran taas oo iskugu jirta waxqabadka Guddiga, qorayaasha, iyo fursadaha hada ee ku aadan sida dadka reer Puntland diyaar ugu yihiin hanaanka asxaabta badan.

Dowladda Puntland waxaa ka go’an hirgelinta hanaanka Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland ee hal qof & hal cod, sanadkii tagay ayaa waxaa lagu guulaystay hirgelinta iskudaygii kowaad ee tijaabada 3 degmo taas oo dad waynuhu soo doorteen Xildhibaanada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Eyl, Qardho iyo Ufayn, dhamaadka sanadkan  waxa dhammaan degmooyinka Puntland laga qaban doona doorashada Goleyaasha deegaanka ee dhammaan degmooyinka DPL,   Guddiga ayaa dhawaan bilaabi doona diiwaan gelinta dadweynaha waxaana hada si habsami  leh uga socota wacyiglinta dhammaan gobolada iyo degmooyinka Puntland.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dhegaystay aragtida Ururada Bulshada cawa madasha ka qayb-galay sida kale waxa uu sheegay in Dowladda Puntland ay ka go’an tahay hirgelinta hannaanka Puntland u guurtay ee shacabku ku soo dooranayaan Madaxdooda.

Related posts

Dayuurad rakaab ah oo ku dhacday harada Victoria & dad ku dhintay (Sawirro)

Caydiid Ali

Deni oo caawa kashifay arrimo qarsoonaa oo dhexmaray isaga & Farmaajo

Caydiid Ali

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo Arrimo muhiim ah kala hadlay Farantz Celestin (Sawirro)

Cabdi Cade