Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa ka jira in dayuurad ay leedahay Q/Midoobey ay ku dhacday duleedka Muqdisho?

Maareeyaha hay’adda duulista rayidka ah ee Soomaaliya  Axmed Macallin Xasan ayaa beeniyay wararka sheegaya in dayuurad nooca qumaatiga u kaca ee Helicopter-ka loo yaqaanno ay maanta ku dhacday meel ku dhow madaarka Muqdisho.

Axmed Macallin sheegay in dhammaan diyaaradihii sameynayay duulimaadka gudaha ay badqab ku soo laabteen.

Sidoo waxaa uu sheegay in dayuuradihii Soomaaliya ku dulmarayay duullimaadka caalamiga ah aysan la kulmin wax dhibaato ah.

Hadalka Maareeyaha ayaa yimid xili qaar ka mid ah warbaahinta gudaha ay baahiyeen maanta in dayuurad Helicoptar ah oo ay leedahay QM ay ku burburtay meel ku dhow degaanka Jasiira, lana badbaadiyey labo duuliye oo la socday

Related posts

Qaraarkii Golaha Wasiirrada soo saareen, yaa guuleestay, yaana laga guuleestay ?

Cabdi Cade

Dowlada oo kahor tagtay Hub culus oo dalka Soo galinayeen Wadamo Shisheeye iyo Hay’addo 

Cabdi Cade

Ukraine oo codsi u dirtay Shacabkeeda iyo Ajaaniibta kale ee dalkeeda kunool

Cabdi Cade
Taboola Ads ---