Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Wararkii u dambeeyey dibed baxyo rabshado watay oo ka dhacay Somaliland

Banaanbaxyo rabshado isku bedelay ayaa ka dhacay maanta magaalada Hargeysa iyo deegaanno kale oo ka tirsan Somaliland kuwaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Dibadbaxa waxaa horay u shaaciyay xisbiyada mucaaradka oo ka gadoodsan hannaanka maareynta doorashada madaxweynaha iyo diiwaangelinta ururada siyaasadda.

Dowladda ayaa u oggolaatay xisbiyada mucaaradka inay ku dibadbaxaan meelo kooban oo la cayimay, taas oo ay xisbiyada mucaaradku ka hor yimaadeen.

Meelo ka mid ah magaalooyinka Somaliland ayaa laga soo sheegay in boolisku ay isku dayeen inay xakameeyaan dibadbaxyada ayna rideen rasaas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan hal qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday mudaharaadka ka dhacay magaalada Hargeysa maanta, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen tobaneeyo qof oo kale.

Sidoo kale magaalada Burco ayey dibed baxyo xoogan ka dhaceen, iyadoo boolisku ay rasaas ku fureen dad taayero la gubay ku gooyey jidadka magaalada dhimasho iyo dhaawac aana tiradooda la ogeyn ayaa la soo sheegayaa..

Waxaa sidoo kale la sheegayaa in qadka internet-ka laga jaray Somaliland, oo aysan dadku adeegsan karin baraha bulshada iyo adeegyada kale ee ku xiran internet-ka.

Maamulka ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin xaaladda ugu dambeysa, balse waxay horay uga digtay inay dadku ku dibad-baxaan meelo ka baxsan baraha cayiman ee la shaaciyay.

Related posts

Lix Senator oo horey loo sii ogaa oo goordhaw kusoo baxay Doorashadii Galmudug

Cabdi Cade

Ciidanka Liyuu Booliska degaanka Soomaalida oo afar arrimood kala dooranaya

Caydiid Ali

Dab xooggan oo goor dhow qabsaday Garaash ku yaalla agagaarka KM4 (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---