Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Arrimo muhiim ah kala hadlay Per Lindgarde. (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Per Lindgarde.

Kulanka dhax maray Ra’isul Wasaaraha iyo Danjire Per Lindgarde ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xariirka qotoda dheer iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal ee Sweden iyo Soomaaliya.

Danjiraha ayaa sheegay in dowladda Sweden ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya – iyadoo Mudane Lindgarde ugu hambalyeeyay Ra’iisul Wasaaraha ansixinta xukuumadda iyo barnaamijkeeda.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay sidii la isu waafajin lahaa taageerada saaxiibada Caalamiga ah iyo qorshooyinka dowladda mudnaanta u leh oo ay ugu horreeyaan wax ka qabashada xaaladda amniga iyo sidii loogu gurman lahaa shacabka ay saameysay abaarta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda oo ka hadashay Weerarkii Kismaayo eedeyna u jeedisay Axmed Madoobe

Cabdi Cade

Hantida Trump iyo Wiilashiisa ee New York oo la xayiray kaddib Dambiyo lagu helay

Cabdi Cade

(Sawirro) Cali Guudlaawe oo dhagax dhigay Mashaariic laga hirgelinayo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---