Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa saakay tababar u furay dufcadii koowaad ee ciidanka booliska dowlad goboleedka Galmudug.
Tababarka uu furay Madaxweyne Qoor Qoor ayaa maanta si rasmi ah uga bilowday Dugsiga tababarrada ee kuyaalla Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.
Madaxweynaha ayaa dardaaran u jeediyay cutubyadan cusub ee uu tababarka u furmay, waxaana uu sidoo kale madaxweynuhu ku ammaanay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Galmudug xulista iyo diyaarinta ciidamadan la carbinayo.
Qoor Qoor ayaa ugu baaqay saraakiisha tababarka siinaysa ciidamada booliiska in ay u dhameystiraan cutubyadan dhammaan adeegyada ay ubaahanyihiin si ay uga mid noqdaan ciidanka Booliska Galmudug.