Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay kooxo hubeesan gudaha magaaladaasi kiu dileen mid kamid ah ganacsatada sida weyn looga yaqaanay magaalada Baladweyne.
Rag hubeesan ayaa xalay fiidkii dilay Cabdi Cali Gareen oo kamid ahaa Ganacsatada Baladweyne, waxaa sidoo kale la sheegay in ninkan uu kamid ahaa Ergadii Xildhibaanada kusoo dooraay Jowhar.
Dilka loo geestay ninkan kamid ahaa Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ka dhacay goob ganacsi uu ku lahaa Xaafada Cilmi Loys ee magaalada Baladweyne, waxaana baxsaday ragii dilkaasi ka dambeeyay.
Ciidamada amaanka ayaa magaalada Baladweyne ka wada baadi goobka ragii hubeesnaa ee dilkan geestay, waxa ayna ciidamada ciidamada qabteen dhalinyaro lagu tuhmayo in dilkan ka dambeeyeen kuwaa oo qaarkood lasii daayay.
Dilalka loo geesto ergooyinkii soo doortay Xuildhibaanada Golaha Shacabka ayaa mudooyinkan dambe sii kordhayay, waxaana inta badan dilalka loo geesto ergada ay ka dhacaan magaalada Muqdisho.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com