Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Doorashada Madaxweynaha Kenya iyo Raila Odinga oo dardar lasoo baxay

Dalka Kenya waxaa ka socda tirinta codadka doorashada Madaxweynaha iyo tan Baarlamaanka labada aqal, waxaana doorashada tahay mid xamaasad badan oo loolanka ugu badan u dhaxeeyo labada xisbi ee AZIMO iyo UDA.

Guddiga doorashada qaranka ee Kenya ayaana ku mashquulsan tirinta codadka la dhiibtay , waxaana waxaana natiijada horu dhaca ah ee doorashada hadda hoggaaminaya xisbiga AZIMO uu hoggaamiyo Ra’ila Odinga.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa shalay tabineysay in doorashada wax yar ku horeeyay madaxweyne kuxigeenka dalka Kenya William Ruto, hasa ahaatee waxaa saacadihii ugu dambeeyay hoggaaminta natiijada la wareegay Ra’ila Odinga oo codad badan helay.

Labada musharax ee ku tartamaya xilka Madaxweynaha dalka Kenya ayaa wali aad isugu dhaw , waxaana daqiiqadbo daqiiqada ka dambeesa isbadal ku imaanayaa tirada codadka ay kala helayaan.

Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Kenya ahna musharaxa xisbiga AZIMO Ra’ila Odinga ayaa hadda hoggaaminaya doorashada, waxa uuna heestaa tirada hordhaca codadka la tiriyay 5,225,365 oo cod oo u dhiganta 51.78%.

Madaxweyne kuxigeenka dalka Kenya ahna musharaxa xisbiga UDA William Ruto ayaa isna ka daba socda musharaxa la tartamaya, waxaana Ruto heestaa codad gaaraya 4,797,894 oo cod oo u dhiganta 47.55%.

Dadka siyaasadda falanqeeya ee dalka Kenya ayaa rumeesan in doorashada u badan tahay in uu kusoo bixi doono Ra’ila Odinga oo taageero ka heesta Madaxweyne Uhuru Kenyatta, waxaana suurto gal ah in isbadal dhaco mar kalana soo rogaal celiyo Musharax Ruto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Deni oo Magacaabay Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland (Magacyada)

Caydiid Ali

Soomaalida kunool magaalada Nairobi oo maanta banaan bax balaaran dhigay

Cabdi Cade

Dowladii Sadexaad oo Safaarad ka furatay Magaalada Barakeysan ee Qudus (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---