Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Magacaabay guddi heer Wasiiro ah oo gurmad gaarsiiya dadka ay Al Shabaab ka gubeen tuulooyin kana duugeen ceelasha biyaha iyo barkadaha.
Guddigan wasiirada ah ayaa qiimeyn ku sameyn doona saameynta iyo dhibaatada ka dhalatay guryaha laga gubay dad ku dhaqnaa deegaano kuyaalla inta u dhaxeysa degmooyinka Maxaas iyo Matabaan.
Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa la sheegay in ay gubeen guryo ay degnaayeen dad shacab ah oo kuyaalla deegaanada hoostaga degmada Maxaas,waxaa sidoo kale la sheegay in ay duugeen ceelal biyaha laga cabi jiray.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com