Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo goob fagaare ah ku toogtay Lix qof oo ay dambiyo ku eedeeyeen (Magacyada)

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa fagaare kuyaalla degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhaxe ku toogtay lix nin oo ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen jawaasiis u shaqeysa sirdoonada Soomaaliya, Kenya iyo Mareykanka.

Ragan xukunka dilka ah Al Shabaab ku fuliyeen ayaa lagu soo qabtay howlgalo dagaalyahanada kooxdaasi ka fuliyeen deegaanada ay maamulaan, waxaana ragan oo muddo xabsiyo ku jiray ugu dambeyn lagu fuliyay xukun dil ah.

Qaadiga maxkamada Al Shabaab ee xukunka ku riday lixdan nin ayaa aqriyay magacyadooda iyo dambiya loo heestay, waxa uuna sheegay in ragan qirteen in ay ahaayeen jawaasiis u shaqeysa sirdoonka Soomaaliya iyo kuwa shisheeye.

Raga Al Shabaab xukunka dilka ah ku fuliyeen ayaa kala ahaa :

1: Cabdirisaaq Ciise Axmed oo loo yaqaano ( Maqas) waxaana Al-Shabaab ku eedeeyeen inay uu la shaqeeynayay Sirdoonka Mareykanka, isla markaana uu qeyb ka ahaa duqeymo diyaaradeed oo ka dhacay degaano katirsan Gobolada Jubbooyinka.

2: Xasan Gaarane Muuse oo loo yaqaano ( Dr Ayuub), kaas oo Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu la Shaqeeynayay sirdoonada Mareykanka, kenya iyo Soomaaliya, isla markaana uu qeyb ka ahaa ilaa 20 duqeymood Ciidamada kenya ka geysteen Gobolada Jubbooyinka & middii lagu dilay Maamulihii Shirkadda Hormuud ee degmada Jilib.

3: Cabdullaahi Cali Ismaaciil oo Shabaab ku eedeeyeen in uu la Shaqeeynayay ciidamada Mareykanka uu tababaray ee Bangaraafta iyo kuwa Jubbaland uuna ka qeyb qaatay weeraro dhowr jeer lagu qaaday Xarumo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

4: Shire Yuusuf Xersi, kaas oo lagu eedeeyay in uu muddo Saddex sano ah la Shaqeeynayay Sirdoonka Mareykanka, isla markaana uu bixiyay xogta 10 kamid ah Saraakiisha Al-Shabaab oo la weeraray.

5: Axmed Muqtaar Aadan oo ay Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu la Shaqeeynayay Ciidamada Maamulka Jubbaland isla markaana uu Saraakiisha Ciidamada Jubbaland u gudbiyay xogta weeraro ay kusoo qaadi rabeen Al-Shabaab.

6: Ismaaciil Cabduweli Cismaan oo lagu eedeeyay in uu la Shaqeeynayay Sirdoonka Mareykanka uuna sigaar ah ula Shaqeeynayay Xasan Gaarane Muuse oo loo yaqaano ( Dr Ayuub), isla markaana uu bixiyay xogta saraakiil katirsan Al-Shabaab oo lau dilay duqeyn diyaaradeed.

Al Shabaab ayaa dhawwaan sidaan oo kale xukuno dil ah ugu fuliyay rag iyo haween ku sugnaa gobolada Baay iyo Gedo, kuwaa oo iyana ku eedeeyeen in ay ahaayeen jawaasiis la shaqeysa sirdoonka Soomaaliya iyo kuwa shisheeye.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dabageed oo u hanjabay Jen. Xuud iyo madaxda dalalka IGAD oo canaantay Uhuru Kenyatta

Caydiid Ali

Al-Azhar Al-Shariif oo dalalka Islaamka ugu baaqay iney u midoobaan dagaalka Israel

Caydiid Ali

Mahdi Guuleed oo Baaq u diray Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble

Cabdi Cade
Taboola Ads ---