Gabar asalkeedu Soomaali yahay balse heesata dhalashada dalka Mareykanka ayaa aad ugu dhaw in ay kamid noqoto aqalka Senatka gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, kaddib guul weyn ay ka gaartay doorasho horu dhac ah oo la qabtay.
Zaynab Maxamed ayaa guul weyn ka gaartay doorashada aqalka Senetka ee Minnesota, waxa ayna gabadhan Soomaaliyeed ku dhawdahay in ay noqoto haweeneydii ugu horreysay ee Madow ah oo ka mid noqota Senatka Minnesota.
Gabadhan Soomaaliyeed oo 25-sanno jir ah ayaa wajihi doonta Shawn Holster oo katirsan xisbiga Jamhuuriga doorashada guud ee bisha Noofembar, waxa ay sidoo kale gabadhan haddii ay ka guuleesato musharaxan noqon doontaa qofka ugu da’da yar Senetka gobolka.
Kursiga Zaynab u tartameyso waxa horey ugu fadhisay Senator Patricia Torres Ray, oo shan jeer u soo shaqeysay Senatka Degmada 63 oo ahayd gabadhii ugu horeysey ee Latin ah ee ka shaqeysa Senate-ka Minnesota, waxa ayna doorashadan taageertay Zaynab.
Zaynab Maxamed, oo guusheeda kaddib hadashay ayaa sheegtay in ay wax badan u qaban doonto dadka ay matasho, waxa ayna xustay in ay doorashada u gashay sidii ay u caawin laheyn uguna fududeen laheyn nolosha dadka dhiban.
“Markii ugu horeysay ee aan ka fikiray inaan u tartamo xafiiska, sababtu waxay ahayd waxaan doonayay inaan nolosha dadka u fududeeyo, ma ahan mid adag, Kaliya maaha hal-ku-dheg olole; waa odhaah asal ahaan macno weyn noogu fadhida” ayey tiri Zaynab .
Doorashada horu dhaca ah ee ka dhacday Mareykanka waxaa guulo waa weyn ka gaaray saddex musharax oo Soomaali ah ay ku jirto Ilhaan Cumar, waxa ayna musharaxiintan Soomaaliyeed filayaan guulo kale ay ka gaaraan doorashada November dhaceysa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com