Wararka aan ka heleyno magaalada Port Elizabeth ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in caawa kooxo burcad hubeesan deegaan katirsan magaaladaasi ku dileen muwaadin Soomaaliyeed.
Kooxo burcad ah ayaa toogtay Husein Barrow Mohamed xili uu gaari ka dagay uuna doonayay in uu galo goob ganacsi uu ku lahaa deegaanka Kwzakele oo katirsan magaalada P E sida uu xaqiijiyay ganacsade oo ku sugan deegaanka uu dilku ka dhacay.
Ciidamo katirsan booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa daqiiqado kadib soo gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxa ayna booliiska sheegeen in ay wadaan baaritaano ku aadan dilkan iyo cida ka dambeysay.
Dalka Koonfur Afrika waxaa kusoo kordhaya dilalka loo geesto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi u tagay in ay ka shaqeestaan kana helaan nolol dhaanta tii ay uga tageen dalkooda hooyo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com