Adigoo ku mashquulin oraahda qiro inaad tahay akhristow labadan erey midkood, sababta aan usoo qaatey oraahdaan inoo ah cinwaanka qormada ayey waxa ay tahay muwaadin kasta waxa waaajib ku ah masuuliyad guud waddankiisa iyadoo kasoo bilaabanaysa shaqkhsiyadiisa, qoyskiisa,deegaanka ilaa tan qaranka oo mida ugu muhiimsan oo laga rabo inuu ilaaliyo wadaniga dhabta ah.
Haddaba Inagu ka Soomaali ahaan saameynta uu nagu yeeshey dagaalkii sokeeye waa mid aad u muuqata habdhaqanka guud ahaan ee bulshada qeybaheeda kala duwan . dhibka jiraa ayaa ah bulshada kuwa u kala qeybsan kuwo ku qanacsan habdhaqanka masuuliyiinta xukuumadda ama maamulka ka jira degaanka ama dalka heyb ahaan ama danahiisa gaarka ah uu ka fiirsado (support interest).
Qeybta labaad ee bulshada waa kuwa la daala dhacaaya maareynta nolosha iyadoo ku adag tahay iney muujiyaan dareenkooda wadaninimo ayna ka doorbideen iney iska aamusaan waxaad mooda iney ka quusteen xaaladda danleyda isbahaysatey ee iyaga ka yihiin muwaadiniin dulman (a violent citizen).
Waxaa mar aan la sheekeystey muwaandin u dhashey dalka Yugaandha (Ugandian) mar aan ku sugnaa magaalada Kampala ayaa waxaan ka mid ahaa erey hadaladiisa ka mid ahaa oo xasuus gaar ah igu reebey waa markuu I yiri saaxiib beri waxaan aadi lahaa dabaal iyo damaashaadka xeebta Viktoria ka waran hadeynu israacno anigoo jawaaba ka siin su,ashiisa ayaa si kedis ah ku iri oo waddanka ma bad iyo xeeb muu leeyahay? Intuu igu qosley ayuu I yiri bad waddan kale waxaan iiga muhiimsan warta deegaankeyga ku taal waxaadna ogtahay in adiguna aad leedahay waddanka ugu xeebta dheer Afrika oo dhalintii mustaqbalka dalkeena ka door bideen qoxootinimo iyo qaxar.
Mar hadey muwaadiniinta u kala qeybsan yihiin labada qeybood ee kala ah kuwo qanacsan iyo kuwo quus taagan sow ma haboona in waddaniga dulman inuu muujiyo dareekiisa waddaninimo ama garab istaagaan waddaniga shacbiyad darrada heysata ay u arkaan inuu mudan yahay in la taageero, intey goori goor tahay Somaalaay tasho ama waa laguu talin.
Okash Sugow Mohamed
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com