Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Musaveni oo jeediyey hadalo bahdil ku ah dowlada Somalia

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid tahay sida ay dowladaha Somalia iyo Ugandha isaga kaashan karaan dhinaca amniga.

Museveni oo martigeliyay dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay sidii uu gacan uga gaysan lahaa in Soomaaliya ay yeelato awood ay ku hanato maamulka dalka.

Waxaa baraha bulshada ee Soomaalida hadal-hayn aad u ballaaran ka dhaliyay qaar ka tirsan hadallada uu sheegay madaxweynaha Uganda.

Museveni oo ka hadlayay kulan uu kala qayb galay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladdiisa ay istiraatiijiyaddeeda ahayd inay adeegsato ciidan isxilqaamay oo aan mushaar uga baahnayn.

“Waxa uu Museveni su’aal iska waydiiyay sida ay Soomaaliya u maarayn karto bixinta mushaarka ay ciidanka qaadanayaan. Haddii aadan dowlad lahayn ama aad leedahay dowlad daciif ah sideed u maarayn kartaa inaad lacag siiso tiro kugu filan? Sababtoo ah Soomaaliya waa waddan wayn, waa saddex jibaarka Uganda dhanka cabirka dhulka, sidaas darteed kuma maamuli kartid tirooyinka toban kun, labaatan kun, xitaa afartan kun, Waxay ila tahay in Soomaaliya ay u baahan tahay 80,000 oo askari, balse sideed intaas mushaar ku siin kartaa haddii aadan dowlad lahayn?” ayuu isweydiiyey Musaveni.

Madaxweyne Museveni ayaa sheegay in isagu uu diyaar u yahay inuu Soomaaliya ka caawiyo dhinaca hubka iyo direyska ciidanka, balse ay dowlado kale ka raadsaan mushaharka”.

“Waxaan Soomaaliya ka caawin karnaa inay ka guulaysato kuwa kasoo horjeeda. Haddii su’aashu ay tahay dhanka hubka waa soo iibin karnaa kaddibna waan siin karnaa, direyska waan siin karnaa, xitaa raashinka waan qaybsan karnaa. Balse waxa aannaan xal u heli karin waa mushaar Mushaar bil walba ah oo tiro badan la siinayo, xal uma heli karno. Sidaas darteed mar haddaad ka hadasho mushahar markaas waxaad haysataa UAE waxay bixinayaan hal bil, kaddibna ma garanayo.. Qadar, kaddib, Turkiya, sideyse dadka ku heli karaan amni?”. ayuu yiri Musaveni oo hadaladiisa dadka qaar ku tilmaameen bahdilaad iyo jees jees ka dhan ah dowlada Somalia

 

 

Related posts

Ra’isul Wasaare Abiy oo shaaciyay sababta loo dilay Fanaan Hacaluu iyo milatari badan oo…

Cabdi Cade

Al Shabaab oo weerar Qaraxyo ku bilowday ku qaaday xero ay joogeen Milatariga Soomaaliya

Cabdi Cade

Faah faahin :- Dibad-baxyo ka dhan ah FARMAAJO oo ka dhacay Muqdisho & Amar lagu bixiyay in la weeraro Ciidankii …

admin
Taboola Ads ---