Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Laftagareen oo booqday Jaamacadda Jigjiga (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdiga uu Hogaaminayo Socdaalka Shaqo ku jooga Magaalada Jigjiga ayaa Booqday Jaamacada Jigjiga isagoona Madaxweyne Mustafe Cagjar kala hadlay Hormarinta Waxbarashada Deegaanada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mudane Mustafe Cagjar ayaa Madaxweyne Laftagareen ubalan qaaday in Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed kala shaqayn doono Hormarinta Waxbarashada iyo Xaqiijinta Amniga waxaana uu Sheegey in Ardayda Waxbarashada Koonfur Galbeed ugu Deeqay Deeq Waxbarasho oo Lacag la,aan ah.

Dhinaca kale, Madaxweyne Laftagareen oo safar shaqa ku jooga Magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa kulan la qaatay Odeyaasha iyo Waxgaradka Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Madaxweynaha oo kulanka Odeyaasha ay ku wehlinayeen Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mudane Mustafa Cagjar,Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale  ayaa kulankooda diirada ku saaray iskaashiga Amni labada Shacab Taageerida Ciidanka ka qeyb qaadanaya La Dagaalanka Argigixisada Alshabaab iyo ka wada shaqaynta Is dhexgalka Bulshada.

Madaxweyne Laftagareen ayaa Shacabka iyo Mas’uuliyiinta Dowlad Deegaanka Soomaalida uga Mahadceliyey Soo dhoweyntooda Walaalnimo iyo sida ay uga goantahay Xoojinta ka wada shaqaynta Xaqiijinta Amniga Labada Xuduudood.

Related posts

Mid kamid Odayaashii soo doortay Mahad Salaad oo Muqdisho lagu dilay

Cabdi Cade

Maxkamada G/Banaadir oo xukun ku riday Masuuliyiin loo xiray Musuqmaasuq

Caydiid Ali

Tirada Falastiiniyiinta ku dhimatay Weerarka Israel ku heyso Gaza oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---