Allbanaadir.com
NEWS

Weerar Mindi loo adeegsaday oo ka dhacay dalka Jarmalka (Daawo Sawirada)

Nin Dhalinyaro ah oo ku hubeesnaa Mindi ayaa weerar ku qaaday dad saarnaa gaari bas ah , weerarkan ayaana ka dhacay magaalada lagu magacaabo Luebeck ee ku taalla waqooyiga dalka Jarmalka .

Goob joogayaal ayaa ku waramay in ninkan oo dhinac ka saarnaa gaariga baska ah mar qura weerar ku qaaday dadkii gaariga saarnaa, waxaana la sheegay in ninkan uu dhaawacay 14-qof oo kamid ahaa rakaabkii baska saarnaa.

Labo kamid ah dadka weerarkan ku dhaawacmay ayaa la sheegay in uu soo gaaray dhaawacyo halis ah, waxaana dadka weerarkan ku dhaawacmay loola cararay xarumo caafimaad.

Ciidamada booliiska ayaa gacanta ku dhigay ninkii ka dambeeyay weerarkan mindida loo adeegsaday, mana jiro ilaa hada war rasmi ah ay booliiska kasoo weerarkan iyo wax uu salka ku hayo.

Dalka Jarmalka waxaa horey uga dhacay weeraro loo adeeegsaday mindi iyo gaadiid dad la jiirrsiiyay, waxaana weeraradaasi qaarkood lagu eedeeyay in ay ka dambeesay kooxda Daacish.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia 
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliye Indhaqarshe oo qaabilay Saraakiil ka socday ciidamada dalka Qatar (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Maxaad kala socotaa guurka Max’ed & Ruqiya ee sababay in nolosha lagu gubo adeerkood? (Daawo Video)

Caydiid Ali

Madaxweyne Laftagareen oo si kulul u weeraray siyaasiyiinta mucaaradsan DF (Sawirro)

Caydiid Ali