Allbanaadir.com
NEWS

Jabuuti oo dooneysa in ay qaado talaaabo Dowlada Itoobiya kaga hor martay

Dowlada Jabuuti ayaa markeeda dooneysa in la xaliyo khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya dowlada Eritrea, waxa ayna Jabuuti codsatay in gacan laga siiyo sidii xal loo gaari lahaa.

Jabuuti ayaa xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ka codsatay in uu kala shaqeeyo gacana ka geesto in heshiis laga gaaro muranka dhinaca xadka ah ee kala dhaxeeya Eritrea.

Safiirka Jabuuti u fadhiya Qaramada Midoobay Maxamed Siyaad Ducaale ayaa warqad u qoray xoghayaha guud, wuxuuna ku sheegay in laga shaqeeyo heshiis labada dhinacba u cuntami karo oo lagu dhameeyo colaadda u dhaxaysay labada dal.

Jabuuti ayaa dooneysa in arrinka muranka xadka ee kala dhaxeeyo dalka Eritrea la hordhigo garsoorayaal caalami ah si ay go’aan uga gaaraan, kadibna labada wadan ka heshiiyaan khilaafka u dhaxeeya.

Dalka Jabuuti ayaa Eritrea ku eedeysay in ay ciidamadeeda si sharci darro ah ku qabsadeen buuraha Dumeeyra isla markii ciidamadii nabad illaalinta ee Qatar ka socday ay ka baxeen halkaas sanadkii hore.

Dowlada Itoobiya ayaa heshiisyo muhiim ah oo lagu xalinayo colaad 20-sano socotay waxa ay la gashay dowlada Eritrea, waxaana labada dal hada dib usoo celiyeen xiriirkii diblumaasi ee ka dhaxeeyay labada wadan,

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia 
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ahlu Sunna oo soo saartay Habraaca Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa !

Cabdi Cade

Laamaha Amniga Muqdisho oo lagu amaanay shaqada ay hayaan (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Jeneraal Indha Qarshe oo Wasiirka Difaaca u sheegay in aan furinta dagaalka looga baahneyn

Cabdi Cade