Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqisho Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayaa sheegay in ciyaal weerarada shacabka Muqdisho dhibaatada ku haya ay ka dhasheen ciidankii Badbaado Qaran ee dowladii Farmaajo kula dagaalamay caasimada dalka.
“Wax kasta waxay ku yimaadiin sabab, Muqdisho waxaa ka dhacay dagaallo siyaasadeed, mucaaradkii ayaa hub qaatay oo soo weeraray dowladii xiligaas joogtay, Ciyaal weeradu halkaas ayey ka dhasheen” ayuu yiri Cumar Filish.
Wuxuu intaas ku daray in la saadaalin karay in saameyn xun ay ka dhalan karto tallaabooyinkii ay mucaaradku qaadeen markii ay Muqdisho gashay qalalaasaha siyaasadeed.
“Qeyb ka mid ah raadadkii ay rabshadahaasi reebeen ayaan wajaheynaa, hadda sidii hore waa la dhamaa, hey’adaha ammaanka ayaa la tacaalay oo wax badan qabtay,” ayuu intaas ku daray.
Cumar Filish ayaa xusay in weli ay socdaan howlgallada looga hor tegayo burcada iyo ciyaal weerada, meel fiican ayeyna marayaan, mahadaas ilaahay ka sokow waxaa leh heyadaha amaanka iyo shacabka magaalada oo wada shaqeeyey.