Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay ka wada hadleen Ra’isul Wasaare Xamse iyo James Swan (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo xafiiskiisa ku qaabilay, Ergayga gaarka ah ee Xogyaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan, ayaa kala hadlay xoojinta taageerada hay’adaha QM ay siiyaan Soomaaliya.

Wakiilka QM ayaa ugu hambalyeeyey Ra’iisul Wasaaraha, ansixinta xukuumadda iyo barnaamijkeeda oo shalay ay meel mariyeen Golaha Shacabka, isagoo xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay hay’adaha QM in ay xoojiyaan taageeradooda.

Labada masuul ayaa sidoo kale, isla soo qaaday arrimaha ammaanka, abaaraha ka jira dalka oo lagu wajaho gurmad mideysan iyo sidii la isu waafajin lahaa taageerada saaxiibada caalamiga ah iyo qorsheyaasha dowladda mudnaanta u leh.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Qaramada Midoobay taageerada ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, xukuumaddiisuna ay diyaar u tahay in si dhow ay u wada shaqeeyaan, si loo xaqiijiyo guulaha la hiigsanayo.

Related posts

(Daawo Sawirro) Madaxweyne Farmaajo oo caawa ka qaybgalay xuska Munaasabada 26-ka Juun

Caydiid Ali

Duqa Magaalada London oo ka hadlay geeridii ku timid dhigiisa Muqdisho

Caydiid Ali

Tirada Xukunnada dilalka Caalamka oo kordhay iyo Soomaaliya oo safka hore kaga jirta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---