Allbanaadir.com
NEWS

Qaramada Midoobay oo Ballanqaad u sameesay Dowladda Soomaaliya (Sawirro)

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta kulan la qaatay ku xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay Adam Abdelmoula.

Ergeyga iyo wakiilka ayaa iska xog-wareystay halka ay marayaan howlaha gargaarka ee labada dhinac iyo tallaabooyinka ay hadda tahay in la qaado ee dardargalin, wacyi-galin iyo u qeylo-dhaaminta Dowladaha, deeq-bixiyayaasha iyo dadka wax heysta.

Waxa ay bogaadiyeen howlaha lama huraanka ah ee ilaa hadda qabsoomay, waxayna hoosta ka xariiqeen in loo baahan yahay dhaqaale badan iyo isku-duwid xooggan, si looga baaqsado in macluushu daad goosato xaalkuna intaan ka sii xumaado.

Adam Abdelmoula ayaa bogaadiyay sida Dowladda Federaalka diiradda u saareyso howlaha gargaarka, iyadoo dhinacyadu dood wax ku ool ah ka yeesheen sidii looga hortagi lahaa in xaaladdu faraha ka baxdo macluul daranna dillaacdo.

Adam oo sidoo kale ah Xiriiriyaha iyo Isuduwaha Hawlaha Bani’aadamnimada ee Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ballan qaaday in QM sameyneyso xarumo waawayn oo howlgallada gargaarka laga dardar geliyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo baaq deg deg ah soo saaray kaddib dilkii Ismaaciil Haniya

Cabdi Cade

Kuuriyada Waqooyi oo mar kale tijaabisay Gantaalo Balastig ah

Cabdi Cade

Ciidamo isugu jiray Soomaali iyo Mareykan oo xalay weerar Cir iyo dhul ah ku qaaday Deegaanka…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---