Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo Ganacsato kala arrinsaday Iskaashiga Dhaqaale ee Heer Gobol (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa kala arrinsaday iskaashiyada ganacsi ee heer gobol iyo kobcinta maalgashiga dalka.

Madaxweynaha ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay xoojiyaan doorkooda ku aaddan xoojinta maalgashiga dalka iyo wax soosaarka, isagoo ku bogaadiyey dhabar adaygga ay ku wajaheen duruufihii dhaqaale ee adkaa ee la soo maray, taas oo muujinaysa hal abuurka maalgashi iyo ganacsi ee ay ku tilmaaman yihiin dadka Soomaaliyeed.

“Dowladdaani waxay ka shaqeyneysaa in ganacsatada loo fududeeyo dhaqdhaqaaqa ganacsi iyo maalgashi. Dalkaan in uu noqdo dal dhaqaalahiisa furan yahay baan rabnaa, suuq xor ah in uu yeesho baan rabnaa. Fursadaha dalkaan ka jira meel ay Adduunka ka jiraan waa yar tahay.”

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa dalka Uganda kaga qaybgali doonta Shirka Ganacsiga iyo Maalgashiga ee Soomaaliya iyo Uganda, kaasi oo ujeedkiisu yahay sare u qaadidda ganacsiga u dhexeeya labada dal, iyada oo ganacsatada Soomaaliya iyo Uganda ay ku lafo-guri doonaan fursadaha maalgashiga, ganacsiga iyo waxsoosaarka.

Related posts

Go’aan ka soo baxay Kulan dhexmaray Rooble & Guddiga doorashada (Sawirro)

Caydiid Ali

Facebooka Ashraf Qaani oo la jabsaday iyo Ereyo lagu taageerayo Taliban oo lagu qoray

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo ka hadlay muhiimada ay leedahay gurmadka shacabka Turkiga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---