Allbanaadir.com
NEWS

Mahad Salaad isbadal ku sameeyay qaar kamid ah Hoggaanada Hay’adda NISA

Agaasimaha hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad ayaa isbadal ku sameeyay qaar kamid ah hoggaanada hay’adda , waxa uuna qaar kamid ah hoggaanadii horey u joogay hay’adda u wareejiyay boosas cusub.

Hoggaanada cusub uu isbadalka ku sameeyay agaasimaha hay’adda NISA ayaa waxaa kamid ah Agaasinka arrimaha dibadda ee NISA , Kaaliyaha maamulka NISA iyo sidoo kale Kaaliyaha Sirdoonka NISA.

Mahad Salaad ayaa u magacaabay  Sarkaal lagu magacaabo Caddow agaasinka arrimaha dibadda ee NISA, waxa uuna sargaalkan xilligii Fahad Yaasiin agaasimaha ahaa ku magacawnaa waaxda CT-ta ee Taliska NISA.

Agaasinka arrimaha dibadda ee NISA , waxaa horey u heestay sargaal lagu magacaabi jiray Liiban Kadiye oo ka mid ahaa raggii aadka ugu dhawaa Agaasimihii hore NISA Fahad Yaasiin,ninkan ayaana kamid ahaa raggii horey usii raacay Fahad Yaasiin.

Agaasimaha NISA Mahad Salaad aya asidoo kale u magacaabay Cabaas Yacquub Kaaliyaha maamulka ee NISA halka Cabdullaahi Cabdiraxmaan isna loo magacaabay Kaaliyaha sirdoonka ee hay’adda NISA.

Mahad Salaad ayaa tan iyo markii uu la wareegay xilka agaasimaha NISA waday isbadalo uu ku sameenayay hoggaanada iyo taliyaasha NISA, waxaana la sheegay Mahad in uu isbadalo ku sameenayay inta badan raggii aadka ugu dhawaa Fahad Yaasiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo kala diray Golihii degaanka ee Magaalada Garowe (Akhriso)

Caydiid Ali

Maraykanka oo ka laabtay go’aan uu horey uga qaatay Milateriga dowlada Somalia

Caydiid Ali

Sacuudiga oo shaaciyey Xujayda sanadkan ku geeriyootay Xajka (Imisaa Soomaali ah)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---