Allbanaadir.com
NEWS

Koox diimeed ka jirta bariga Afrika oo lagu daray liiska argagixisada Maraykanka

Wasaaradda Arrimaha dibada Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Kooxda Al-hijra la shaqeysa al-shabaab ku dartay liiska Ururada argagixisada ah ee caalamka.

Kooxda Al-Hijra oo 2008-dii lagu aasaasay Magaalada madaxda dalka Kenya ee Nairobi ayaa laanta ama faraca Xarakada Al-Shabaab u qaabilsan Kenya sida ay sheegtay Wasaarada Arrimaha dibeda Mareykanka.

Wasaarada ayaa waxaa ay sheegtay in isbadal badan lagu sameeyay jadwalka ay ku jirtay kooxda  Al Shabaab oo Soomaaliya u qaabilsan ururka  Al Qaacidda, iyadoona wasaarada qoraalkeeda ku sheegtay inay  balaarisay in  liiska Argagixisada ku soo dartay ururka Jaamacatu Al-Hijra.

Qoraalka ay soo daabacday wasaarada  oo aad u dheeraa ayaa waxaa kale lagu shaaciyay in Ururka Jaamacatu  Al Hijra  ay gacan ka geysatay askareynta xubnaha Shabaab ku biiraya, waxaan ay fududeysay in xubnaheeda ay si caadi ah ugu safraan dalka kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Madaxweynihii hore ee dowladda Kenya oo geeriyooday isagoo 90 sano jir ah

Caydiid Ali

Jubbaland oo War cusub ka soo saartay howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab

Caydiid Ali

Wiilal Walaalo ah la soo badbaadiyey 9 maalin kadib, Dhul-gariirkii Türkiga (Sawirro)

Caydiid Ali