Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DEG DEG: Golaha shacabka Somalia oo codka kalsoonida u qaaday Xukuumada cusub

Xildhibaanada golaha shacabka Baarlamanka Somalia ayaa goor dhow codka kalsoonida siiyey golaha cusub ee Wasiirada.

Waxaa kulanka shir gudoominayey Shiikh Aadan Madoobe oo ah gudoomiyaha golaha shacabka Somalia.

Waxaa buuq kooban sameeyey xildhibaano tiro yar oo Firimbi yeerinayey, iyagoo dalbanayey in codka laga dhigo mid qarsoodi ah, hase ahaatee waxaa ka diiday Gudoonka golaha oo sheegay in arrintaas aysan sharci aheyn.

Raisul Wasaaraha Somalia Xamza Cabdi Barre ayaan ka hadlin fadhiga buuqa goobta ka dhacay awgeed  iyadoo barnaamijkiisa siyaasadeed ee ay ku howlgeli doonto xukuumada isagoo qoraal ah loogu qeybiyey Xildhibaanada.

Intaa  ka dib gudoonka golaha shacabka ayaa cod taag ah geliyey golaha, waxaa ogolaatay in codka kalsoonida la siiyo Xildhibaanada 237 ayaa fadhiday Golaha, waxaa ogolaaday xukuumada 229 xildhibaan, waxaa diday 7 halka midna uu ka aamusay, waxaana isla goobtaas lagu dhaariyey golaha cusub ee Wasiirada.

Related posts

Qarax Xoogan oo Lagu dilay Cabdullaahi Carab iyo ciidamo la socday

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo lagu shubay dhiig badan oo Itoobiyaan ah iyo danta laga lahaa!

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo qaaday Talaabooyin looga hortagayo Dhaqan Xumada ka jirta Liido !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---