Allaha u naxariistee waxaa magaalada London ee dalka Britain ku geeriyooday Yoonis Cali Nuur oo ahaa Saxafi in badan ka soo shaqeeyay laanta afka Soomaaliga ee BBC.
Siciid Cali Muuse oo ay ka soo wada shaqeeyeen, BBC-da ayaa sheegay in marxuumka ay ka soo wada baxeen 1968 iskuulka sare ee Camuud, uuna ka mid ahaa weriyeyaal loo qaatay radio Hargeysa 1972.
“Waxaan ku biiray BBC-da 1989 iyadoo Yoonis oo iiga horeeyey uu ka sii dhamaanayo xiligii qandaraaskii uu kula shaqeynayey BBC-da, wuxuuna safar u soo aaday dalka Itoobiya maadaama xiligaas ay dalka ka socdeen dagaalo, ka dibna xagga dhulka ayuu Somalia ka galay, waxaana mar la soo sheegay inuu ku geeriyooday dagaalo ka dhacay degaanka Aw-Barre balse wey beenowday” ayuu intaas ku daray.
Waxaa uu sheegay in Yoonis loo cusbooneysiiyey qandaraaskii uu kula shaqeynayey BBC-da uuna dib ugu laabtay London, wuxuuna xusay in marxuumku uu muddo badan ka cabanayey xanuuno ka hayey dhinaca beerka uuna xalay ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalada London.
Yoonis Cali Nuur ayaa waxaa la sheegay inuu hadda la taliye uu u ahaa Wasiirka Warfaafinta ee Somaliland.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com