Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Mareykanka oo daandaansi dagaal ku tilmamay dhoolatuska ciidamada Shiinaha

Washington ayaa ku eedeysay Shiinaha inay sii kordhinayso xiisadda u dhaxeysa labadda dhinac ee la xiriirta labada dhinac.

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad, ayaa daandaansi, iyo mas’uuliyad darro, ku tilmaamay dhoolatuska military ee Shiinaha ka wado agagaarka jasiirada Taiwan.

Xiiisadan iminka ugu dambeysa ayaa ka dhalatay safarkii ay madaxa aqalka wakiilada Mareykanka, Nancy Pelosi, ku gaartay jasiiradda Taiwan.

Shiinaha ayaa sheegay in socdaalka, Pelosi, ay dhab ahaantii khatar galineysay nabadda iyo xasiloonida marin biyoodka Taiwan.

Shiinuhu waxa uu Taiwan u arkaa gobol kamid ah dhul weynaha Shiinaha Balse, Taiwan waa jasiirad iskeed isku maamusho, isla markaana isu aragta inaysan qeyb ka ahayn dhulweynaha Shiinaha.

Jaziiraddu waxay leedahay dastuur u gaar ah, hoggaamiyeyaal si dimuqraadi ah loo soo doortay, iyo illaa iyo 300,000 oo ciidamo ah. Dalal yar ayaa jasiirada Taiwan u aqoonsan dal madax bannaan

Related posts

Dowladda oo maanta xirtay agaasimayaal iyo masuuliyiin hor leh oo loo heesto Musuq

Cabdi Cade

War cusub oo laga soo saaray xiliga uu furmayo shirka dib u heshiisiinta Galmudug (Sawirro)

Caydiid Ali

Dhismaha Waddo muhiim ah oo kutaalla Muqdisho oo la dhagax-dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---