Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ruushka oo xiray Saynisyahan u sameeyey Gantaalaha guuxooda ka dheereeya (Sababta)

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka Ruushka ee TASS, waxaa xabsiga loo taxaabay Saynisyahan caan ah oo sameeyey nidaamyada gantaallaha guuxooda ka dheereeya ee ciidamada Ruushku heystaan.

Alexander Shiplyuk, ayaa lagu xiray magaalada Novosibirsk ee dhacda Siberia, waxaana la geeyey xarunta lagu hayo ee Lefortovo ee magaalada Moscow.

Waxaa lagu eedeeyey inuu jiro tuhun ah inuu ku kacay khiyaano qaran ah.

Ninkan ayaa ka soo shaqeeyey Laanta Siberian ee akademiyadda Sayniska ee Ruushka, isagoo aggaasime ka ah machadka Khristianovich ee farsamada.

Alexander wuxuu ka shaqeeyey horumarinta diyaaradaha hawada iyo gantaallada, oo ah hub muhiim u ah Vladimir Putin, waxaana seynisyahankan ku socda baaritaano.

Related posts

RW Rooble iyo wafdi uu horkacayo oo goor dhow gaaray Magaalada Baydhabo

Caydiid Ali

Nin Carro uga maqnaa qoyskiisa oo 66-sanno kaddib oo soo laabtay iyo soo dhaweeyn loo sameeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Gudoomiye Cabdiraxmaan Garyare oo Qarax lagu dilay xili uu Masjid kasoo baxay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---