Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo ka farxiyey boqolaal ka tirsan Soomaalida dalkaa ku nool oo welwelsanaa

Waaxda Arrimaha Gudaha Dowladda Mareykanka (Homeland Security) ayaa u ogolaatey ku dhowaad 500 oo Somali ah, in loo cusbooniisiyo sharciga TPS-ka loo yaqaanno oo ah sharci KMG oo badbaado siinaya qaxootiga Mareykanka ku nool ee aanan haysan dhalashada dalkan.

Go’aankan waxaa soo dhoweeyey Hayadaha u dooda xuquuqda Qaxootiga iyo Sharci-dejiyaasha Mareykanka ee wadey ololaha ah in dadka dib loogu cusbooneysiiyo sharciga

Tallaabadan ayaa u saamaxeysa boqollaalkan ruux inay sharci ku joogaan kagana shaqeystaan dalkan Mareykanka.

Shantan boqol ee somalida ah ayaa horey ugu joogay waddankan isla sharcigan TPS-ka oo ah sharci badbaado KMG siinaya qaxootiga Soomaliyeed ee aanan sifo amni awgeed dalka Somalia dib loogu celin karin.

Muddo badan ayaa laga cabsi qabay in maamulka Trump uu dib ugu cusbooneysiin waayo, taasoo horseedi laheyd in Mareykanka laga masaafuriyo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiye Filish oo qaabilay Mrs. Jacqueline Saline iyo Wafdi la socday (Sawirro)

Caydiid Ali

Haweeney cunug yar oo ay dhashay ku tuurtay Badda oo gacanta lagu soo dhigay

Cabdi Cade

Ciidanka xoogga oo qabtay Wiil Al Shabaab sahan qaraxyo u ahaa iyo Wasiir ka hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---