Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qaar ka mid ah Wasiiradii uu Magacaabay Cali Guudlaawe oo xilka la wareegay (Sawirro)

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta xilalka u kala wareejiyay Wasiiradda Wasaaradaha  Maaliyada, Waxbarashada, Caafimaadka, Cadaalada, Haweenka, Qorsheynta, Gaadiidka, Gargaarka, Boostada iyo dib u Heshiisiinta.

Yuusuf Dabageed ayaa uga mahadceliayay Wasiirada maanta xilka wareejiyay waxaana uu ku bogaadiyay dadaalka ay sameeyeen mudadii ay xilka hayeen.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa Wasiiradda cusub ee maanta xilalka la wareegay kula dardaarmay inay waxtar muuqda la yimaadaan ayna ka shaqeeyaan horumarka iyo shaqada ay u hayaan ummada.

Madaxweynaha Hirshabelle  Cali Guudlaawe Xusseen ayaa magacaabay labo sano gole wasiiro oo ka kooban 81 xubnood, kuwaasoo la isweydiinayo halka uu ka keeni lahaa dhaqaalihii ay mushaharka u qaadan lahaayeen.

Related posts

Shirkadda Mercedes oo dib uga ururineysa caalamka hal milyan oo gaari (Sababta)

Caydiid Ali

Qoraal lagu daabacay bogga Villa Somalia ee Facebook oo si weyn loo dhaliilay

Caydiid Ali

Mid kamid ah Wadamada Islaamka oo hakiyay Qorshe Caasimad cusub ku dhisan lahaa !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---