Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee dalka Itoobiya oo bilooyin ka hor la aasaasay ayaa qaatay dad badan ka yaabiyey oo sheegaya iney afar magaalo caasimad u noqon doonto.
Maamulada kale ee federaalka Itoobiya ayaa mid weliba wuxuu leeyahay hal caasimad oo madaxda sare ee degaanku ay shaqeeyaan.
Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maalintii shalay ahayd wuxuu hor meel mariyey sharci lagu ansixinayo afar caasimad oo uu deegaankaasi yeelanayo.
Magaalada Bonga ayaa noqoneysa caasimadda siyaasadda, Magaalada Terchaa waxay xarun u noqoneysaa baarlamaanka degaanka, Magaalada Miizaan waxay xarun u noqoneysaa hay’adaha garsoorka, halka Magaalada Tepi ay xarun u noqoneyso Aqalka Guurtida oo ay leeyihiin qabaa’illada deegaanka.
Sababaha ayaa lagu sheegay iney ka mid yihiin in la baahiyo Maamulka, dhaqaalaha, ganacsiga iyo heyadaha horumarinta.