Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Abiy Ahmed oo ka carooday talaabo ay qaadeen Mareykanka iyo Midowga Yurub

Itoobiya ayaa cambaareysay wakiilada Midowga Yurub iyo Mareykanka oo toddobaadkan booqday gobolka Tigray, iyadoo ku eedeysay inay la safteen mowqifka mucaaradka ee ku aadan wadahadallada nabadda.

Ergeyga Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika Mike Hammer iyo dhiggiisa Midowga Yurub Annette Weber ayaa toddobaadkan boqoday caasimadda Tigray ee Mekelle, si ay ugu cadaadiyaan in la billaabo wadahadallada Midowga Afrika uu taageerayo.

Waxay sidoo kale ku baaqeen in lasoo celiyo adeegyada aasaasiga ah iyo in gobolka iyo gobollada Afar iyo Amhara loo ogolaado inay galaan gargaarka.

Balse, Redwan Hussein oo ah la-taliyaha amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa muujiyey sida ay dowladda uga niyadjabsan tahay tallaabada labada ergey ay qaadeen.

“Kooxdan waxay ku guuldarreysteen inay cadaadiyaan ballanqaad cad oo ku aadan wadahadallada nabadeed, balse waxay taas beddelkeeda u dhaqmeen inay qanciyaan oo ay fuliyaan shuruudaha dhinaca kale,” ayuu yiri.

Gobolka Tigray ayaa waxaa ka jirtay xaalad bani’aadanimo oo darran iyo cuno yari, tan iyo markii uu dagaalka billowday November 2020, waxaana ka go’naa adeegyada aasaasiga ah sida korontada, isgaarsiinta iyo adeegga bankiyada.

Hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael ayaa horey uga digay inay qasab tahay in adeegyada aasaasiga ah lagu soo celiyo Tigray, lana qaado xayiraadaha kahor inta aanay wadahadallo billaaban karin.

Wadahadalka nabada ee dowladda ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed iyo kooxda TPLF ayaa la filayaa inay billowdaan, hase yeeshee waxaa jira caqabado ay ka mid yihiin cidda sameyneysa dhexdhexaadinta.

Related posts

Kooxda Man. United oo casuuntay caruurtii ku go’doontay bohosha oo dhamaantood la soo saaray (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Taliyaha Xoogga dalka oo ka hadlay iska horimaad culus oo galabta ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Maamulka gobolka Banaadir & taliska booliska oo wadajir u soo saaray awaamiir cusub (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---