Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Milateriga Israel oo duqeyn ku laayey shacab reer Falastiin ah (Daawo Sawirro)

Ciidamada Yuhuuda ayaa duqaymo xagga cirka ah ka geystay marinka Gaza, iyagoo halkaas ku dilay illaa 10 qof oo uu ku jiro dagaalyahan sare, halka ay dhaawacyo soo gaadheen tobanaan qof oo kale.

Saraakiisha Israa’iil ayaa sheegay inay beegsadeen kooxda Islamic Jihad, iyadoo ka jawaabaysay halis ku soo fool lahayd, ka dib markii ciidamada Israa’iil ay Daanta Galbeed ku xireen dagaalyahan sare oo kooxdan ka tirsan.

Kooxaha hubaysan ee Falastiiniyiinta ayaa saacado ka dib waxay qaadeen weerar jawaab ah, iyagoo gantaallo ku riday bartamaha iyo Koonfurta Israa’iil, waxaana taasi ay keentay inay labada dhinac ku sigtaan inuu ka dhex bilawdo dagaal toos ah.

Kooxda Islamic Jihad ayaa iyadu sheegtay inay Israa’iil ku tuureen illaa 100 gantaal, waxaana weli taagan xiisada u dhexeysa labada dhinac, iyadoo la filan karo weeraro kale.

Related posts

Taliyaha ciidanka XDS & la taliyaha amniga ee Madaxweynaha oo qoraalo kulul is dhaafsaday (Akhriso)

Caydiid Ali

Siyaasadda Farmaajo iyo Khayre ee Galmudug Ma Guulaa Mise Waa Gebidhac?

Cabdi Cade

Banaan bixii laga cabsi qabay in uu ruxo Muqdisho oo fashilmay iyo Sababta keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---