Allbanaadir.com
NEWS

Sarkaal ka tirsan ciidanka dowlada oo lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Kooxo hubeysan ayaa caawa ku dilay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir Sarkaal ka tirsan ciidanka canshuuraha degmadaas.

Xasan Carte Siyaad ayaa waxaa lagu dilay agagaarka xarunta Maamulka degmada Heliwaa sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in sarkaalka la dilay uu watay gaaro nooca raaxada ah, iyadoo kooxaha dilka geystay ay baxsadeen.

Ma jiraan faahfaahino intaas ka badan oo ka soo baxaya dilka sarkaalkan, maamulka degmada iyo saraakiisha amaankana wax war ah kama soo saarin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Puntland oo ka hadashay Kalluun ku soo caariyey xeebta Boosaaso

Caydiid Ali

Daawo Sawiro laga soo qaaday Ciidamada Danab ee Al Shabaab kala wareegay Bariire

Cabdi Cade

Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo War culus kasoo saaray dagaalka TPLF

Cabdi Cade
Taboola Ads ---