Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DEG DEG: Qaraxyo goor dhow ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Labo qarax ayaa goor dhow Salaadii casir ka dib waxay ka dhaceen meelo ku dhow isgoyska Km4 ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa hore oo la sheegay in loo adeegsaday Mooto bajaaj ayaa ka dhacay agagaarka Maqaayada Fatxi faraceeda ku yaalla wadada Taleex ee degmada Hodan.

“Iridda Maqaayadda Fatxi ayaa waxaa ku qarxay Mooto Bajaaj lagu soo raray waxyaabaha qarxa waxaana ku dhaawacmay Wadihii mootada oo gacanta lagu dhjigay, sidoo kale waxaa qarxay boorsooyin qaraxyo ku jireen oo mootada saarnaa” ayuu yiri goob jooge halkaas ku sugnaa oo la hadlay allbanaadir Online.

Ma jirto Cid kale oo waxyeelo soo gaartay oo shacabkii goobta ka ag dhawaa ah, sida ay xaqiijiyeen dad goobta ku sugnaa.

Qarax 3aad ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhacay isla agagaarka maqaayada Fatxi kaasoo la sheegay inuu ahaa haraaga qaraxii hore oo ay qarxiyeen ciidamada amaanka.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA..

Related posts

Duqeyn lala beegsaday xarunta Idaacad Al Shabaab leedahay iyo Khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade

Booliiska Kenya oo ka digay fal ay qorsheenayaan Dibadbaxayaasha

Cabdi Cade

(Sawirro) Isbitaalka Dalmar oo indho fiiqis & daweyn bilaash ah u sameynaya kumanaan qof

Caydiid Ali
Taboola Ads ---