Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Marxuum Gen. Darwiish oo lagu aasay Kismaayo iyo madax kala duwan oo ka qeyb gashay

Allaha u naxariistee Meydka Wasiirkii arrimaha gudaha Jubbaland Gen. Maxamed Warsame Darwiish ayaa maanta lagu aasay magaalada Kismaayo.

Gen. Maxamed Warsame Darwiish ayaa maalmo ka hor ku geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Germany ka dib markii ay la soo derseen xanuuno kala duwan, maanta ayaana meydkiisa dib loogu celiyey magaalada Kismaayo.

Aaska ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland, Masuuliyiinta Goleyaasha dowladda Jubbaland, Madax ka socotay dowladda Federaalka Soomaaliya, Masuuliyiin ka socday Puntland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Kismaayo.

Sii haya Wasiir Dowlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, Mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir, wasiiro ka tirsan xukuumada Somalia iyo Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamed Gallan ayaa ka mid ahaa xubnihii ka qaybgalay aaska Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Jubbaland Gen. Maxamed Warsame Darwiish.

Marxuumka oo horey u soo qabtay xilka Taliyaha Hey’adda Nabadsugidda Qaranka ayaa maanta lagu aasay magaalada Kismaayo ee xarunta KGM Dowlad Gobolleedka Jubbaland.

Related posts

(Akhriso) Qabiilada & Magacyada 18ka xubnood ee Xeer Ilaalinta Qaranku soo eedeysay

Caydiid Ali

Wasiir Maxamed Maxamud oo xilka laga qaaday iyo Wasiir cusub oo lagu bedelay

Cabdi Cade

Ciidamada Ahlu Sunna oo la wareegtay Deegaan ku dhaw magaalada Dhuusomareeb

Cabdi Cade
Taboola Ads ---