Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Soomaali dil bareer ah ka geystay Jarmalka iyo Booliska dalkaas oo ka hadlay

Boliiska dowlada Jarmalka ayaa Saxaafadda u sheegay in nin Soomaali ah oo 43 sano jir ah  uu wax mindi ama dhalo u eg ku dilay nin oday ah oo 79 sano jir ah magaalada Ludwigsburg.

Saraakiisha Booliska ma sheegin magaca ninkan Soomaaliga ah ee dilka geystay oo hadda xiran.

Sababta uu u dilay weli lama oga hase ahaatee Booliska ayaa sheegay in Baaritaan xooggan uu weli socdo, ayna muuqaalo caddeymo ahaan ay dad meesha joogay u duubeen.

Ninka 79 sano jir ah ee la dilay ayaa la sheegay inuu yahay qof cadaan ah oo u dhashay dalka Jarmalka.

Soomaalida ku nool Jarmalka ayaa lagu qiyaasaa iney badan yihiin 70 kun oo qof, kuwaasoo intooda badan ku galay dalkaas qaab tahriib ah.

 

Related posts

Dayuurad uu la socday Madaxaweyne ku-xigeenka dalka Malawi oo la la’yahay

Caydiid Ali

Weerar Khasaaro geestay oo loo adeegsaday Toorey oo ka dhacay magaalada Paris

Cabdi Cade

Tirada dadkii ku dhintay qaraxyadii lagu weeraray Hotelka Saxafi oo sii kordhay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---