Allbanaadir.com
NEWS

Baarlamanka Puntland oo baabi’iyey heyad uu dhowaan magacaabay C/wali Gaas

Baarlamanka Puntland oo ku jira kalfadhiga 41-aad ayaa fadhigiisa 13-aad ka dooday habka shaqaalaynta Shaqaalaha rayidka ah ee Puntland.

Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamanka Puntland Cabdixamiid Shiikh Cabdisalaan ayaa sheegay in dood dheer ka dib uu baarlamaanku isku raacay inaysan hayadda Shaqaalaha rayidka ah wax sharciyad ah ku dhisneyn.

Golaha ayaa kala diray Hayada shaqaalaha rayidka ah ee Puntland waxayna dalbadeen in si degdeg ah sharciyadeeda loo sameeyo markaas ka dibna Madaxweynuhu soo magacaabo Masuuliyiinteeda.

Howlaha hay’addu qaban jirtay ayuu sheegay in  la hoos geeyey Wasaaradda shaqada shaqaalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland.

Hay’adda shaqaalaha rayidka ah ee Puntland oo uu soo magacaabay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Max’ed Cali Gaas ayaa lagu soo eedeeyey musuqmaasuq baahsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jubbaland oo Eedeyn kulul u jeedisay DF uguna baaqday in faragalinta ka deyso

Cabdi Cade

Akhriso: Toban arrimood oo ku saabsan Xogta iyo Xaqiiqada sida loo sii daayay Cabdikariim (Qalbi Dhagax)

admin

Booliska Jubbaland oo Kismaayo ku qabtay Maandooriye aad u badan (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---