Shiikh Fu’aad Maxamed Khalaf (Shongole) oo ka mid ah hogaamiyeyaasha sare ee Al-Shabaab ayaa ka hadlayo dagaaladii ugu dambeeyey ee dhexmaray ciidankooda iyo kuwa Liyu Police ee dowlad degaanka Soomaalida.
Waxaa uu sheegay in dagaalkii ay la galeen Ciidanka Liyu Boolis uu ahaa mid jab xoogan lagu gaarsiiyey ciidanka Liyu Boolis iyo kuwa federaalka Itoobiya
Waxaa ku goodiyay in ay weeraro hor leh ku beegsan doonaan maleeshiyada Liyuu Police kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwa ugu liita maleeshiyaatka Soomaalida diin ahaan iyo dhaqan ahaanba iyaguna ay joogteyn doonaan beegsiga maleeshiyadaasi.
Wuxuu sheegay in ciidanka Liyu Boolis aysan weligood guul arki doonin maadaama buu yiri ay dhawaan ku joog-joogsadeen magaca Allaah iyo kalmadda towxiidka, wuxuuna sheegay inay ku dambeyn doonaan wax uu ugu yeeray darxumadii uu ku dambeeyey ninkii aasaasay oo uu kala jeedo Cabdi iley Madaxweynihii hore ee degaanka Soomaalida oo haatan u xiran dowlada Itoobiya.
Shiikh Fu’aad ayaa sidoo kale soo hadal qaaday warkii ay faafisay dowlada Itoobiya ee ahaa in isaga iyo xubno kale lagu dilay dagaalkii Aato.
Waa aniga aniga oo nool lana hadlaya muslimiinta, waxaa u sheegayna muslimiinta inaan noolnahay oo sharaf leenahay.,” ayuu yiri Fu’aad Shangole.