Taliyaha guud ee Ciidanka Xoogga gaarka ah ee Deegaanka Soomaalida General Mohamed Ahmed iyo Madaxa howlgalinta Ciidanka Qaranka Ethiopia Major General Tesfaye Ayalew ayaa ka dagay magalada Baydhabo ee Xarunta Maamul Gobolkeedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Waxay magalada Baydhabo kulan kula qaateen Madaxweynaha Maamul Gobolkeedka Koonfur Galbeed, Abdiasis Laftagareen.
Saraakiishan ayaa Baydhabo ka hor soo maray degmada Xudur ee Gobolka Bakool, iyadoo Socdaalka wefdigaan uu la xiriiro Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo maalmihii la soo dhaafay dhaqdhaqaaqyo ka waday deegaannada ku yaalla Xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.
Waxay kulamo la soo qaateen Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ee gobolka Bakool, mas’uuliyiinta gobolka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Taliyaha ciidanka Xooga gaarka ah ee Dowlad Deegaanka Soomaalida (Liyu Boolis), General Mohamed Ahmed Mohamud (Xaaji)Â ayaa sheegay in masuuliyiinta gobolka Bakool ay wada hadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen xaqiijinta amaanka xuduuda, loona wadaagi lahaa xogaha dhinaca sirdoonka ah Al-shabaab.
Al-shabaab ayaa dhowaan weeraro xoogan ku qaaday xadka degaanka Soomaalida uu la wadaago gobolada Bakool iyo Hiiraan, waxaana dagaaladaas ku dhintay boqolaal qof oo u badan u badan dhinacyadii dagaalamay.