Allbanaadir.com
NEWS

Dil Saakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Kooxo hubeesan oon heebtooda la garan ayaa saakay Degmada Waabari ee gobolka Banaadir waxa ay ku dileen Gudoomiye Laameed Degmadaasi katirsanaa.

Sida aan Wararka ku helnay labo nin oo biskoolado ku hubeesnaa sidoo kale watay Mooto ayaa dilay Gudoomiye laameedka, waxaana halkasai si deg deg ah uga baxsaday ragii hubeesnaa.

Ciidamada amaanka gaar ahaan kuwa Booliiska iyo Nabad sugida ayaa soo gaaray halka uu dilku ka dhacay, waxa ayna ciidamada sameeyeen howlgal aan natiijo kasoo bixin.

Dilalka qorsheesan ee loo geesto shaqaalaha dowlada ayaa mararka qaarkood ka dhaca magaalada Muqdisho, waxaana dilkan saakay uu dhacay xili amaanka Caasimada la xoojiyay maalmihii lasoo dhaafay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qatar oo lagala hadlay Dar-gelinta Mashaariicda ay ka fulineyso magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Maxamed Shariif oo loo xiray weerarkii lagu dhaawacay Saif Cali Khan

Cabdi Cade

Imaaraadka oo DF ugu hanjabay arrin halis ah iyo Villa Somalia oo diyaarisay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---