Allbanaadir.com
NEWS

Safaaradda Somalia ee Sudan oo beenisay muuqaal dhaqan xumo ah oo la faafiyey

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Sudan ayaa beeniyay warar ay baahiyeen warbaahinta Sudan oo ah muuqaal dhaqan xumo ah oo ka hadlayay kufsi wado laami ah ka dhacay.

Warbaahinta ayaa sheegtay iyagoo soo xiganayay Saraakiil ciidan in muuqaalkaas xun uusan ahayn Sudan balse laga soo duubay Soomaaliya.

Arrintan ayaa ka caraysiisay muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed oo dhibsaday in wixii xun ama anshax xumo loo saariyo Soomaaliya iyadoo aan laga fiirsan.

U qeybsanaha dhinaca Warfaafinta ee safaarada Soomaaliya ee Khartuum Fiidow Max’uud Fiidow oo la hadlay warbaahinta Sudan ayaa sheegay in muuqaalkaas uusan wax xiriir ah ku lahayn Soomaaliya sida ay qortay jariidada Al-Tayaar oo mas’uulkaas soo xiganaysay.

Fiidow ayaa Jariidada u sheegay iney qalad tahay magaca Soomaaliya in xumaan loo adeegsado aysana sax ahayn in dal walaal ah oo carbeed sumcadiisa wax loo dhimo.

Arrintan ayaa lagu amaanay U qeybsanaha Warfaafinta Safaaradda Soomaaliya ee Sudan sida dareenka mas’uuliyadeed iyo mida wadaniyeed oo u difaacay sharafta dalka iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Trump oo saxiixay sharci ka careesiiyay dowlada Shiinaha

Cabdi Cade

Tirada ciidamada ATMIS oo la dhimayo iyo dowlada Somalia oo ka hadashay

Caydiid Ali

Guddoomiye kuxigeen Degmo oo Muqdisho lagu dilay iyo Faahfaahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---