Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo Shaacisay magaca iyo Qabiilka ninkii isku qarxiyay Cabdullaahi Waafoow

Qarax ismiidaamin ah uu fuliyay nin jirkiisa waxyaabaha qarxa kusoo xiray ayaa 27-kii bishii hore ee July lagu dilay guddoomiyihii magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose Cabdullaahi Waafow iyo xubno kale oo la joogay.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxan lagu dilay guddoomiyihii magaalada Marka, waxa ayna sheegeen Al Shabaab in masuulkan muddo fog kudaba jireen ugu dambeena ku guuleesteen in ay dilaan.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa baahisay in qaraxa ismiidaaminta ah ee lagu dilay Cabdullaahi Waafow uu fuliyay Maxamed Cali Cabdi oo ahaa wiil 22-sanno jir ah oo ku dhashay gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida Al Shabaab baahiyeen ninkan qaraxa ismiidaaminta ah fuliyay ayaa kasoo jeeday beesha  Jiiddo gaar ahaan jufada gaytiri, waxa uuna wiilkan ku dhashay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Al Shabaab ayaa inta badan baahisa wareysiyo ay ka qaadaan raga fuliya weerarada ismiidaaminta ah, waxa ay sidoo kale soo bandhigaan qabiilada ay kasoo jeedaan iyo sidoo kale dardaaran ay u reebaan raga kale ee kala tirsan Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Doon ay la socdeen Masuuliyiin iyo dad kale oo saakay ku rogmatay magaalada Baladweyne

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo Qado sharaf u sameeyay Wasiirka Difaaca Kenya (Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Rooble & wafdi uu horkacayo oo caawa gaaray Jabuuti (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---