Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mareykanka & Taliban oo ereyo kulul isku weeraray ka dib dilkii Ayman Al-Zawahiri

Mareykanka ayaa ku eedeeyey Taliban inay khalad wayn ku gashay ayna hoggaamiyaha Al-Qaacida ku martigelisay magaalada Kabul, taasoo ka dhan ah heshiiskii ay labada dhinac galeen ee lagu kala saxiixday magaalada Doha.

Afhayeen u hadlay aqalka Cad ayaa sheegay in Mareykanku la xisaabtami doono Maamulka Taliban oo uu ku eedeeyey iney xad gudbeen heshiiskii la gaaray.

Afhayeenka kooxda Taliban, Zabihullah Mujahid, ayaa sheegay in Mareykanku uu duqayn diyaaradaha drones-ka loo adeegsaday ka fuliyay xaafadda Sherpur ee magaalada Kabul, oo ay meel shacabku daggan yihiin.

Qoraal uu soo dhigay boggiisa Twitter-ka ayuu Zabihullah ku sheegay in markii hore aan la ogayn nooca weerarka iyo ujeeddadiisa, kaddib markii ay ciidanka ammaanka iyo sirdoonka baaritaan sameeyeenna la ogaaday in weerarku uu ahaa duqayn ay fulisay diyaarad uusan duuliye la socn.

Afhayeenka Taliban waxa uu cambaareeyay duqeyntaasi, waxa uuna ku tilmaamay mid xad gudub ku ah shuruucda caalamiga ah iyo heshiiskii Doxa.

Howlgal qayb ka ah la dagaallanka argaixisada oo ay fuliyeen CIA-da Mareykanka ayaa lagu dilay hoggaamiyihii ugu sarreeyay ururka Al-Qaacida Ayman Al-Zawahiri.

Dilkan oo ka dhacay caasimadda Afghanistan ee Kabul ayaa la fuliyay xilli ay Sabtida sii baxaysay Axaddana soo galaysay.

Al-Zawahiri oo muddo dheer lagu raad joogay ayaa horay u ahaan jiray ku xigeenka aasaasihii Al-Qaacida, Cusaama Bin Laadin, isagoo xilka kala wareegay markii la dilay 2-dii bishii May ee sanadkii 2011-kii.

Related posts

Ruushka oo hanjabaad culus soo saaray & Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Ukraine

Caydiid Ali

Dil argagax leh oo ka dhacay magaalada Dhuusomareeb iyo Howlgal socda

Cabdi Cade

Gudoomiye Aadan Madoobe oo gaaray Magaalada Washington (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---