Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) RW Xamse oo baaq u diray Golaha shacabka BFS ka dib shaacintii Wasiirada cusub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa galabta ku dhawaaqay xubnaha golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka ah oo ka kooban 26 wasiir, ka dib, wadatashi uu la sameeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda F.S, Guddoonka iyo xildhibaannada labada aqal iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in golaha wasirrada ee uu soo dhisay uu ku soo xulay aqoon, karti, waaya-aragnimo iyo in ay ka go’an tahay, wax ka qabashada arrimaha abaaraha, amni darrida, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed, iyada oo lagu shaqeynayo halku dhegga Madaxweynaha JFS ee Soomaali heshiis ah, dunida heshiis la ah

Mudane Xamse ayaa si xushmad iyo qaddarin leh uga codsaday xildhibaannada baarlamaanka in ay ansixiyaan golahan, marka la horkeeno, si ay u gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday, isaga oo ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed in lala shaqeeyo xukuumadda cusub.

Related posts

Rooble oo dalka kusoo laabtay iyo Waxyaabihii uu Madaxda Imaaraadka kala hadlay oo la shaaciyay

Cabdi Cade

QM oo dilkii weriye Khashoqji ka soo saartay Warbixin ka nixisay Max’ed Bin Salman

Caydiid Ali

Musharaxiin kahor yimid magacaabista Guddiga Doorashada Galmudug (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---