Allbanaadir.com
NEWS

Antonio Guterres oo Shaaciyay in Dunnida ay halis ugu jirto dagaal Nukliyeer la isku adeegsado

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa shaaciyay in dunnida halis weyn xilligan ugu jirto in uu ka qarxo dagaal ay dalalka waaweyn isku adeegsadaan hubka wax gumaada ee nuclear-ka.

António Guterres, oo ka hadlayay furitaanka shirka dib u eegista heshiiska taariikhiga ah ee xakameynta faafista hubka nuclear-ka ayaa ka digay halista ay dunnida ugu jirto dagaal la isku adeegsado hubka nuclear-ka.

Waxa uu xusay António Guterres, in dal uu si khaldan u xisaabtamo amaba tallaabo ka dhalata is faham la’aan dhex marta dalalka haysta hubkan wax gumaada, taasoo khatar gelin karta buu yiri jiritaanka aadanaha.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in dadaal badan ku bixineyso sidii looga hortagi lahaa khatar ka dhalata in la isku adeegsado hubka wax gumaada ee nukliyeerka ay heestaan qaar kamid ah waddanada caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo furumaha dagaalka ku booqday ciidanka Jubbaland (Sawirro)

Caydiid Ali

Israel kuma qancin heshiiska xabad joojinta ee ay Xamaas ogolaatay (Reuters)

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoor Qoor oo si weyn loogu soo dhaweeyay degmada Caabudwaaq (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---