Waxaa saacadaha soo socda la filayaa in Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ku dhawaaqo golihiisa cusub wasiirada oo la isku afgartay tirada ay noqonayaan iyo sidoo kale shaqsiyaadka loo magacaabayo.
Sida aan wararka ku helnay xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya waxaa xilligan ku sugan inta badan xubnaha kamid noqonaya golaha cusub ee wasiirada, waxa uuna Ra’isul Wasaaraha xubnahan kala hadlayaa magacaabistooda.
Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya waxaa ka socda xilligan diyaar garowgii ugu dambeeyay ee munaasabadda qaban qaabada ku dhawaaqista golaha cusub ee wasiiradda Soomaaliya.
Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in golaha wasiirada ay ka koobnaan doonaan 25-wasiir iyo 25 wasiir kuxigeen iyo sidoo kale tiro wasiiru dowlayaal, waxaana meesha laga saaray wasaaraddo horey u jiray, iyadoona lagu soo kordhiyay wasaarad cusub.
Wasaarada laga reebay xukuumadda ayaa waxaa kamid ah wasaaradda gargaarka iyo musuubooyinka, waxaa sidoo kale meesha laga saaray wasaaradda dastuurka oo la raaciyay wasaaradda cadaalada, halka lasoo kordhiyay Wasaaradda Bey’adda iyo Is bedelka Cimilada.
Waxii kusoo kordha magacaabista golaha wasiiradda kala soco wararkayaga dambe Insha Allah
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com