Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay qarax Khasaaro geestay oo saakay ka dhacay Muqdisho

Qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso oo dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa saakay ka dhacay inta u dhaxeysa Isgooska Tarabuunka iyo isbitaalka Masaarida ee degmada Hodan.

Sida aan wararka ku helnay qaraxan ayaa lala beegsaday gaari ay la socdeen ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya, kuwaa oo la sheegay in ay ka badbaadeen qaraxa la doonayay in lagu waxyeeleeyo.

Inta la xaqiijiyay labo qof oo shacab ah oo marayay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa dhintay halka qof kale oo shacab ahna dhaawac uu soo gaaray, waxaana dadkii ku dhintay qaraxa loo qaaday isbitaalka Madiina.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya oo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa halkaasi ka sameeyay baaritaano, mana la sheegin cid ay qaraxan saakay dhacay ciidamada amaanka usoo qabteen.

Qaraxyada miino ee la dhigo hareeraha waddooyinka Muqdisho ayaa mararka qaar waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac waxa ay kasoo gaartaa dadka shacabka ah oo ka agdhaw halka la dhigo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheekh Shariif oo Digniin u diray Madaxweyne Xasan kuna baaqay Shir wadatashi ah

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo soo bandhigay guulo Xukuumadiisa gaartay

Cabdi Cade

Sameh Shoukry oo 10-sanno kaddib booqday dalka Syria lana kulmay Madaxweyne Al-Asad

Cabdi Cade
Taboola Ads ---