Allbanaadir.com
NEWS

Siciid Deni oo beeray geedkii u horeeyay ee Beer loogu tala galay in ay noqoto aag cagaaran (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Beeray geedkii u horeeyay ee Beer wayn oo loogu talagay in ay noqoto aag cagaaran oo ka qayb qaadanaysa bilicda iyo wax soo saarka, taasi oo laga sameynayo aaga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

Beertan oo bedkeedu yahay 1KM dhererka iyo 600 mitir balaca, laguna beerayo geed-mirood iyo dhir cagaaran oo loogu talagalay inay ka qeyb qaadato yaraynta nabaad guurka iyo xaalufka deegaanka.

Hirgalinta beertan ayaa waxaa iska-kaashanaya Bangiga adduunka gaar ahaan Mashruuca Biyoole iyo maamulka Puntland, waxaa sidoo kale mashruucan kayd u noqon doonta xarunta beeraha iyo geedaha ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Villa Somalia oo War ka soo saartay kulankii Xassan Shiikh & Erdogan

Caydiid Ali

Kooxo hubeysan oo dilay Axmed Tahliil iyo Faah Faahino kasoo baxaya dilkaasi

Cabdi Cade

Wasiirka Difaaca Israel: “Ma sii wadi karno dagaalka Gaza”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---