Allbanaadir.com
NEWS

Ridwaan Xuseen oo loo magacaabay Safiirka cusub ee Itoobiya u fadhin doona dalka Eritrea

Xukuumada Itoobiya ayaa 20-sano kadib waxa ay safiir u fadhin doona u magacawday dalka Eritrea, xili uu dib usoo laabanayo xiriirkii diblumaasiyadeed ee u dhaxeeyay labada dowladood.

Ridwaan Xuseen oo horay u soo noqday Safiirka Itoobiya u fadhiyay dalka Ireland, ayaa hada loo magacaabay in uu noqdo safiirka rasmiga ah ee Itoobiya u fadhin doona magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Safaarada Itoobiya ee magaalada Asmara ayaa la filayaa in dhawaan dib loo furo kana shaqo bilaabo safiirka cusub, waxa ayna tilaabadan qeyb ka tahay isku soo dhawaanshaha dowladaha Eritrea iyo Itoobiya.

Shirkada Diyaaradaha Ehopian Airlines ayaa shalay 20-sano kadib duulimaad rasmi ah ku tagtay magalaada Asmara, waxaana dib u bilowday duulimaadka tooska ah ee labada wadan oo 20-sano xayirnaa.

Madaxda labada wadan ayaa booqasho ku kala tagay Asmara iyo Adis Ababa, waxa ayna Madaxda kala saxiixdeen heshiis lagu dhameenayo colaadii labada dal u dhaxeysay dibna loogu soo celinayo xiriirka labada wadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Senatorkii dhawaan is casilay oo isku diiwaan galiyay Doorashada Golaha Shacabka (Sawirro)

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo soo saartay warbixin lataaban qodob ka kooban (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---